av Maxammed Gaanni
159,-
Buuggaan 'Hirdan: loollanka sayniska, dhaqanka, iyo diinta' ugu ma tegi doonno aragtiyo iska soo horjeeda oo loo garsoorayo. Waxa ugu weyn ee uu buugguu inoo sawirayo waa bar biyo kamadhibcaan ah oo ah in aragtida galbeedka ee dunida sida yaabka leh maaddo ahaan ugu hormarisay aanay ahayn in loo daraaseeyo sidii wax ka maran curiyaha aadanaha, saamaynna aanay ka ga tegin wacyiwadareedka ka curtay xaaladihii nololeed ee ay yurub ku jirtay muddooyinkii uu soo bilowday dagaalkaan kulul ee keenay in ay yurub si walba ilaa maanta col u la tahay wax walba oo la xiriira diinta, rooxaaniyadda, qiyamka iyo caadooyinka. Waxa uu inoo guudmarayaa sida xaal ahaa, wixii xaqiiqo ahaa iyo wixii dhayal ahaa ee isku walaaqmay oo guudmar guud ah. Waxa uu ina ka codsanayaa in aan dhiirranno oo aan caddaysanno waxa aan rabno marka aan hubsanoo, weydiimo iyo sawirasho la xiriirta sida aan noqonayno haddii aan muslimiin sax ah noqonno, buuggaanna uusan u qorin si ay dunida asaga iyo dhiggii ay ugu islaamto. Waxa uu ka ambaqaadi doonaa Daarwin iyo Farooydh iyo saamayntii ay ku lahaayeen isbeddelladii dhan walba ay yurub ka samaynaysay. Aragtida horumarka iyo aragtida jinsiga.Sida uu meelo badanba ku qeexay bare sare Muxammad waxa uu qabaa 'in aragtida horumarka iyo horukaca wax walba ee dunida ka jira ee halbeeggana looga dhigay noloshu ay tahay sababta ugu weyn ee ay diinta isu hardinayaan, marnana aan laga baxsan karin natiijadaas. Fikirka, caqiidada, qiyamka, mabaad'ida, iyo dhinacyada maaddi ee noloshu waa ay horumarayaan, xilli walbana horumarkaa ayaa wax walba la gu salaynayaa, taasina waxa ay keenaysaa in diinta loo sawirto wax weligeedba horumar ku jirtay, aakhirkiina ay noloshu gaartay heer aanay isla jaanqaadi karin.Waxay dadku u haystaan in ay diintu ku dhisan tahay: Ilaah negi, caqiido negi, cibaado negi, qiyam negi, fahanno negi, dhaqanno negi, iyo nolol negi' [M. Qudub; Horumarka iyo Negaanshaha;b.5, ka la horraysiin yar baan ku sameeyay]. Waxa uu caalimkeennu qabaa 'in aragtida islaamka ee nolosha iyo aadanaha ku aaddani ay tahay isudheellitir. Islaamku waa nidaamka si qotodheer oo muuqata isugu miisaamaya awoodaha kalageddisan ee aadanaha. Waxa uu isu dheellitirayaa ruuxda iyo jirka, hilowga sare iyo isjiidjiidka abuurta, isudhiibidda baahiyaha nolosha iyo iskala sarraynta u qaadaysa jihada sare. Sidaa oo kale waxa uu islaamku taagan yahay bartamaha fikirrada xagjirka ah ee aadanaha. Waxa uu bartanka u taagan yahay afjugidda ay khasbayaan nidaamyada ama caqiidooyinka qaar iyo durdurada xayawaannimo ee ay tilmaamayaan aragtiyaha qaar ka mid aqoonyahanka kasmanafeedda sida Farooydh. Waxa uu bartanka u taagan yahay nidaamka kelinnimada ee uu ku dhisan yahay caalamka hantigoosadka iyo nidaambulsheedka xagjirka ah ee uu ku dhisan yahay nidaamka shuuciyaddu. Waxa uu u dhexeeyaa maaddannimada xaabisada ah ee nolosha ku xaddidaysa waxa dareemayaasha ku hareeraysan iyo rooxaaniyadda xaabisada ah ee baylihinaysa caalamka maaddada. Buuggaan waa bidhaamiye, waana sahan akhristihiisa ku hagi doona il cusub oo ay tahay in uu ka eego aqoonta casriga ah iyo sida uu u dib ugu dersayo iimaankiisa, sayniska iyo diintu saamaynta ay noloshiisa ku leeyihiinna uu isu gu dheellitiri lahaa. Ugu tegi mayno tax dheer oo uu ka ga warramayo afkaarihii is hardiyay oo dhan e, waxa uu inoo bidhaaminayaa bar bilowyo muhiim u ah fahanka loollanka dunida ka socda ee guri walba gaaray, caalamaynta dunidu ay dad badan gaarsiisay in ay indhadaraandarmaan, yaabaan oo ay sayniska xaq iyo wada xaqiiqo u arkaan, diintana kutirikuteen dunida laaqitaan ugu filan. Waxa uu inoo sawirayaa waxa ugu weyn ee loo bogay iyo waxa ugu weyn ee la la lumiyay. Waxa uu inoo iftiiminayaa sida dunida islaamku aanay u lahayn aragti nololeed oo ay maanta ku qaadan karaan ama ku diidi karaan aragtida reer yurub, habayaraatee aysan khasabna ahayn in horumarka loo maro wadiiqadii yurub ay martay, taa beddelkeedna ay tahay in aan dib ugu noqonno furaha horumarka aan haysanno.